Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo kaashanaysa Hay’adda
JICA ee Japan, waxa ay tababbar u qabatay tababbareyaal iyoxirfadlayaal ka socday hay’addaha kala duwan ee dowladda,
jaamacaddaha, xaruumaha cilmi baarista iyo mac’hadyada farsamada.Tababarkan oo soo soconayay muddo saddex usbuuc ah waxaa lagu
qabtay Jaamacadda Nairobi, xaruunteeda dhexe ee magaaladaNairobi, waxaana bixinayay khubaro si gooniya loo soo xulay
islamarkaana aqoon durugsan u leh maaddada ay dhigayeen. Inta uu tababbarku socday, kasoo qaybgalaayshu waxa ay si
wanaagsan u barteen cilmiga iyo farsamada aalladda Mobile Application Framework.
Islamarkaana waxay qaateen qorshayaal ay kusii tababbarayaan dhallinyarada Soomaaliyeed si ay u helaan xirfaddo ay shaqooyin
wanaagsan uga heli karaan wadanka, waxa ayna guddoomeen shahaadooyin.