Waaxda Teknolojiyada waxay mas’uul ka tahay horumarinta teknooljiyada si dalku u gaaro horumar degdeg. Waxaa waajibaadkeeda ugu waaweyn:
-
Taageerista horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada si loo abuuro jawi horumar leh
-
Diyaarinta daraasado lagu fahmayo xaaladda teknolojiyada dalka iyo diyaarinta istaraatiijiyad la xiriirta teknolojiyada
-
Diyaarinta shrucuuda, siyaasadaha iyo hab-raacyada la xiriira teknoolojiyada dalka
-
Qorsheynta, higelinta iyo kormeerista qaab-dhismeedka kaabayaasha isgaarsiinta iyo internetka dalka
-
Diyaarinta nidaamka IT iyo databases ee looga baahan yahay wasaaradda iyo hay’adaha kale ee dawladda
-
Bixinta tababarrada iyo caawinta farsamo ee ay u baahan yihiin hay’adaha dawladda