Wasiirka wasaaradda ayaa isla toddobaadkii uu xilka la wareegay kulan la qaatay wasiirrada maamul-goboleedyada, kulankaas ayaa ahaa gogolxaar iyo isbarasho, Waxaana la isla guudmaray qaabkii loo wada shaqayn lahaa iyadoo lagu ballamay in muddo aan dheerayn gudaheed uu qabsoomo shirweyne ka ballaaran oo leh ajendayaal iyo qorsheyaal taabbagal ah. Wasiirrada maamul-goboleedyada ayaa bogaadiyey tallaabada uu qaaday hoggaanka wasaaraddu caddeeyeyna inay tahay markii ugu horreysey in Wasiir maalmo gudahood markii uu xilka la wareegay uu maamul-goboleedyada kulan la yeeshay.