War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirka Ereybixinta Teknolojiyada Af Soomaaliga.

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐˜€, ๐Ÿญ๐Ÿต ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ:โ€” Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gebageboobay Shirka Ereybixinta Teknolojiyada oo ka socdey Muqdisho 17ka illaa 18ka Sebteembar 2024.
Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo laga duulayo siyaasadda dowladda ee ah horumarinta iyo kor-uqaadidda teknolojiyada iyo in la fududeeyo Soomaaliyaynta ereybixinaha teknolojiyada waxaa la isu keenay xeeldheerayaal ku hawlan, kuna biirin kara fikrado iyo xirfado lagama maarmaan u ah ereybixinta teknolojiyada ee Af Soomaaliga.
Shirkaan waxaa ka soo qayb galay R/Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Maxamed Aadam Macallin, Wasiirro kale oo Xukuumadda Federaalka ah, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusoow, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Jubaland Mudane Mascuud C/llaahi Axmed, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Galmudug Mudane Muxiyaddiin Sh. C/laahi Cismaan Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane C/llaahi Shiikh Daahir, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee HirShabeelle, Mudane Maxamed Sh. Cali Salaad, Agaasimaha Guud ee WI&T Mudane C/Casiis Duwane Isaaq, Lataliyeyaasha WI&T, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS, masโ€™uuliyiin ka socotey Akadeemiyo-Goboleedka Afka Soomaaliga, Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka, Fanka & Suugaanta, lataliyaal iyo hawlwadeenno kale. Shirkan waxaa si rasmi ah u furay R/Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Hadal-jeedin, Falanqayn, maskax-shiil iyo dood ka dib waxaa shirka Ereybixinta Teknolojiyada Af Soomaaliga lagu soo bandhigay fikrado wanaagsan waxaana ka soo baxay qodobbada soo socda:
1. Ka soo qaybgaleyaasha shirka ereybixintu waxa ay u mahad celiyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) kuna bogaadiyeen qabashada shirkan iyo inay keentay xeeldheereyaal kala duwan si looga shaqeeyo in la yagleelo hannaan loo maro in ereyada teknolojiyada ah lagu fasiro erayo Af Soomaali ah.
2. In ereyada teknolojiyada ee Afka Soomaaliga si un ugu baahay la tifaftiro, lana rasmiyeeyo.
3. In ereyada ku qotoma magacyada gaarka ah sida: Facebook, Java, iyo erayada la soo gaabiyey sida LAN la rasmiyeeyo sidoodana loo qaato si uusan u doorsoomin macnihii asalka ahaa.
4. In la sameeyo xayndaab iyo saab lagu jaangooyo ereybixinta teknolojiyada ee Af Soomaaliga.
5. In la sameeyo xog-dhig (database), lana abuuro hawlwadeenno si gaar ah ugu shaqo leh oo haga hawsha ereybixinta teknolojiyada ereyadii maangal ahna uruuriya oo ayna wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyadu geed-fadhi u tahay, iyadoo la kaashanayo hayโ€™ada kale ee ku shaqo leh.
6. In la sameeyo qaamuus iyo ereyfur ay ku aruursan yihiin fasiraadda iyo turjumidda ereyada teknolojiyada ah oo Afka Soomaaliga lagu qoray, kaasoo ay tahay in si joogto ah loogu sameeyo kobcin iyo dib-u-eegis.
7. In la joogteeyo kulammada wadatashiga ah ee ku saabsan ereybixinta Afka Soomaaliga ee dhanka teknolojiyada hadba sidii suurtogal ahna loo qabto kulammadaas, ayna garwadeen ka noqoto Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada, iyada oo la kaashanaysa hayโ€™adaha kale ee dowliga ah ee ku shaqo leh iyo xeeldheereyaasha.
8. Ugu dambayn Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) waxaa ka goโ€™an inay xal u hesho turjumidda iyo fasiraadda ereyada teknolojiyada iyadoo la samaynayo ereyo u dhigma oo Af Soomaali ah, waxayna wasaaraddu si joogto ah uga shaqayn doontaa sidii loo dabooli lahaa baahida ka dhalata ereyada teknolojiyada ee Afka qalaad ku qoran in loo beddelo Af Soomaali.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—น๐—ถ “๐——๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ถ”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
See Translation

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top