Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka iyo Puntland oo ku heshiiyay xoojinta wada-shaqeynta

06 Aug

Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka iyo Puntland oo ku heshiiyay xoojinta wada-shaqeynta

Shir ay magaalada Garoowe ku yeesheen wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Puntland ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta wasaaradda heer federal iyo midda heer dawlad-goboleed, iyadoo la isku afgartay dhammaan qodabadii laga wada hadlay.

Halkan ka aqriso nuxurka heshiiska oo la soo koobay:

· In mashruuca Horumarinta ICT wajigiisa 2aad ee Puntland in waxyaabaha ka dhiman la dhammeystiro, iyadoo qiimeyn lagu sameynayo wajigii 2aad ee mashruuca, isla markaana laga wada qeyb qaato wajiga 3aad ee Mashruuca sidii dalka oo dhan looga wada faa’iideysan lahaa.

· In Puntland ay ka soo qeyb gasho shirweynaha dardargelinta hawlaha Boostadii Qaranka.

· In Machadka Isgaarsiinta Qaranka uu tababar u fidiyo shaqaalaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Puntland, iyadoo la qorsheynayo sidii uu Machadku xarumo ugu yeelan lahaa gobollada dalka oo dhan.

· In Puntland laga tixgeliyo deeqaha tababarrada, qalabka iyo dhaqaalaha ay hesho Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Federaalka.

· In la qorsheeyo dib u eegis lagu sameeyo sharciga isgaarsiinta qaranka, iyadoo loo marayo hannaanka sharciga ah, iyadoo lala tashanayo sharci-yaqaannada oo ka tala-bixin doona habka ugu habboon ee loo wajihi karo wax-ka-beddelka sharciga.

· In la xoojiyo xiriirka wada-shaqeyneed ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka iyo wasaaradaha dawlad-goboleedyada.

Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, ayaa ugu dambeyntii u mahad celiyay shacabka Puntland iyo madaxda sare ee Puntland, gaar ahaan wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen.