Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa qabatay Workshop ku saabsan hirgalinta xukuumad danabeed ka (E-government implementation )

09 Aug

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa qabatay Workshop ku saabsan hirgalinta xukuumad danabeed ka (E-government implementation )

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa qabatay Workshop ku saabsan hirgalinta xukuumad danabeed.
Shir hooleedkaan oo socday mudo laba maalin ah kuna saabsanaa sidii Somalaaliya looga hirgalin lahaa xukuumad danabeed ama (E-government) si muwaadinka Soomaaliyeed u helo adeega Dowladiisa si dhibyar.
Workshop ka waxaa ka qeyb ahaa hoolwadeeno ka kala socday Hey’adaha kala duwan ee dowladda si loo taaba galiyo hooshaas.Shirkan waxaa hadalo dhaxal gal ah ka jeediyay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada iyo khubaro kala talisa Wasaaradda dhanka Teknolojiyada. Wasaaradda ayaa sanadkii 2021 ki waxeey qortay istiraatiijiyadda E-government ga ee 2022-2026 taas oo ay wasaaraddu kusoo bandhigtay inta lagu guda jiray Workshop ka. Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo shirka furay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay Teknolojiyada u leedahay Dalka guud ahaan gaar ahaan u adeegida Muwaadinka.
Falanqeyn iyo doodo  iyo aqoon isweeydaarsi socdoday mudo laba maalin ah kadib waxaa la isla qaatay in ay si wadajir ah Hey’adaha Dowladda iyo daneeyayaashu u fuliyaan waxyaabihii ay ka barteen workshop kaas.
Ugu danbeyn Agaasimaha guud oo shirka soo xiray ayaa kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in ay u guntadaan hirgalinta xukuumad danabeedka si muwaadinku u helo adeeg hufan ee degdeg ah sida dunida kale ka jirta.

___ Dhammaad