(Muqdisho, May 6, 2023)……..Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaq ayaa maanta geel ku wareejiyey Wasaaradda Amniga Gudaha iyaga oo ka jawaabaya go’aankii golaha Wasiirada ee ahaa ka qeybqaadashada iyo garab istaagga ciidamada amniga caasimadda oo ku guulaystay sugidda amniga.
Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye ayaa sheegay in ay garabtaaganyihiin Ciidamada oo hawl qaran wadanka u haaya, tanina ay tahay dhiiragalintooda maadaama guulo fiican laga gaaray shaqada ay wadaan.
Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Cali Xagaa ayaa ka guddoomay Wasaaradda deeqda geela ah ee loogu talagalay garab istaagga Ciidanka, waxa uuna ka Mahadceliyey sida ay ugu soo jawaabeen baaqii loo diray Wasaaradaha.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia




