(Muqdisho – Maarso 14, 2023)….Wasaarada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS ayaa qabatay tababbar kor loogu qaadayo xirfadaha difaaca amniga internetka, waxaana ka qeybgalay qaar ka mid ah hey’adaha kala duwan ee Dowladda, Jaamacadaha iyo Bangiyada, waxa uuna socday muddo saddax maalmood ah.
Ujeedada Tababbarkaan ayaa ahayd in hay’adaha bulshada u adeega faham guud laga siiyo khataraha so wajihi kara xogta internetka, lana fahansiiyo muhiimadda ay leedahay ogaanshaha khatarahaas iyo qaababka lagu hormariyo tallaabooyinka looga hortago.
Wasaaraddu waxay ku hawlan tahay hormarinta sharciga amniga internetka kaas oo xadeyn kara dhibaatada ka imaan karta amniga internetka. Sidoo kale Wasaaradda waxay ku gudajirtaa dhisida xarunta difaaca amniga internetka (Computer Emergency Response Team) taasoo u xilsaaran ka-falcelinta khataraha soo wajaha amniga internetka.
Ugu danbeyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Cabdicasiis Duwane Isaq ayaa soo xiray tababbarkaan, waxa uuna kula dardaarmay ka qeybgalayaasha in ay ka faa’iideystaan duruusta ay qaateen.