Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadu waxay ka scodsiinaysaa dadweynaha ku nool Gobolka Benadir in dhulka ama hantida ma-guurtada ah ee ku yaal Siinka Dheer R2 ee ay leedahay Wasaarada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, saaranna Waddada Afgooye uusan beec ahayn, aysanna jirin cid ay Wasaaraddu siisay amase u wakiilatay inay iibiso amase kireyso.
Haddaba, waxaan dadweynaha la socodsiineynaa inay ka digtoonaadaan ciddii ula timaadda arrimo dhulkaas ku saabsan.
Warqada la wareejinayo ee sheegaysa in Wasaaradu ay dhulkaas fasaxday waa mid been-abuur ah kamana soo bixin Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

