Wasaaradda Isgaarsiinta oo amar siisay Shirkadaha Isgaarsiinta.

(Muqdisho – Maarso 12, 2023)….Shir muhiim ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo looga hadlay Shirkadaha Isgaarsiinta in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taasoo caqab ku ah hanaanka shaqo ee Suuqa Isgaarsiinta ayaa waxaana Shirka ka qeybgalay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiir-kuxigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Duwane Isaq, Maareeyaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Md. Mustafa Yaasiin Sheekh iyo mas’uuliyiin ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta.
Shirkada waxaa la farayaa in aysan ka gudbin meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta, waxaana dambi ah Shirkadii lagu helaa in qalabkeeda laga sameeyo ama ay u badan tahay inay sababaan
Faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta
kuwaas oo lagu bixiyo shatiga Spectrum, waxaa laga qaadaya Talaabo sharciga waafaqsan.
Shirkadaha Isgaarsiinta waxaa in ay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waa hay’adda masuulka ka ah fududeynta iyo horumarinta isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, waxaana lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 005/2017 kaasoo awood u siinaya in ay nidaamiso suuqa isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, iyadoo abuuraysa jawi ku habboon maalgashi, daahfurnaan iyo ilaalinta danaha macaamiisha.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxa ay xaq u leedahay in ay baarto Shirkadaha Isgaarsiinta ee lagu tuhmo in ay sameyaan Faragelinta waxyeellada Qalabka Raadiyaha ama dhexgasho shirkad kale.

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top