Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo lagu qabtay shir looga hadlay taakuleynta iyo gurmadka dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyadii Soobe 2.

02 Nov

Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo lagu qabtay shir looga hadlay taakuleynta iyo gurmadka dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyadii Soobe 2.

Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo lagu qabtay shir looga hadlay taakuleynta iyo gurmadka dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyadii Soobe 2.
(Muqdisho – November 2, 2022) Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo ay wehliyaan
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusoow iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaq ayaa shir la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda waxaana looga hadlay taakuleynta iyo gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobe 2 ee dhacay 29-kii Oktoobar oo ay geysatey kooxaha Khawaariijta ee Al-shabaab.
Ugu horrayn Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa Tacsi u diray dhammaan Ehelkii iyo Qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku dhintay Labadii Qarax ee Soobe 2, waxa uuna Allaah ugu rajeeyey in uu Caafimaad siiyo inta ku dhaawacantay, waxa uuna Wasiirku yiri….” Qof walbo waa la socdaa waddankeenna waxa ka dhacay, waa ka xunnahay gummaadka shacabka loo geystay, Qof walbo oo wax soo gaareen, waa wax anaga na soo gaaray, waxaan diyaar u nahay in aan ka qayb qaadanno Gurmadka Qaran ee loo sameenaayo dadkii dhibtu ka soo gaartay labadii Qarax ee ka dhacay Soobe, waxaa ka Wasaarad ahaan xil iska saarnay gurmadkaan”…..
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Mudane Xuseen Axmed Culusoow oo la hadlay Shaqaalaha Wasaaradda ayaa kula dardaarmay in qof walbo waxa uu awoodo kaga qayb qaato u gurmashada walaalaha dhibaatadu ay ka soo gaartay qaraxyadii Soobe 2.
Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa iska uruuriyey deeqo taakulayn ah oo loogu talo galay in lagu caawiyo shacabkii iyo ciidankii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi, waxaana la isla qaatay in si Wadajir ah looga shaqeeyo Gurmadka Qaran.