(Muqdisho – Maarso 15, 2023)….Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye ayaa maanta hortagay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare oo u baahday in looga jawaabo su’aalo dheeraad ah oo la xiriira Hindise Sharciyeeedka Dhawrista Xogta oo maraya Akhrintiisii labaad.
Senator Ibraahim Owgaab Cismaan Guddoomiyaha Guddiga oo kulanka shir guddoominayay iyo Senetarada kale ee goobjooga ahaa, ayaa Wasiir-Dowlaha Wasaaradda hor dhigay su’aalo ka soo noqday Hindise Sharciyeeedka Dhawrista Xogta oo ay qabeen Sanatarrada Aqalka Sare.
Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye ayaa si waafiya uga jawaabay dhamaan su’aalihii ay xubnaha Guddigu ka qabeen Hindise Sharciyeeedka Dhawrista Xogta.
Ugu dambayn, Wasiir-Dowlaha iyo Senetorada ayaa ku ballamay wada shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta labada dhinac.