(Muqdisho – Maarso 2, 2023)….Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Axmed Cismaan Diiriye iyo wefdi uu hoggaaminaayo oo ka mid ahaa Maareeyaha Guud ee Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Md. Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa ka qeybgalay Shirweynaha iyo bandhigga Caalamiga ah ee Teleefoonnada Gacanta oo ka dhacay Magaalada Barcelona 27-2da bishaan Febraayo-Maarso, 2023.
Wasiir-dowlaha ayaa intii shirku socday la kulmay masuulyiin kala duwan oo ka socda Dawladdo iyo Ururo caalami ah oo ka mid ahaayeen madaxda Ururka Isgaarsiinta aduunka (International Telalecumnication Union) waxayna ka wada hadleen sidii loo dardargalin lahaa heshiis wax-qabad oo hore u dhexmaray Dawladda Soomaaliya iyo Ururka.
Sidoo kale Wasiir-dowlaha waxa uu kulan doceed la yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada wadanka South Africa, waxaana la isku af-gartay in ay iska kaashadaan arrimo dhawr ah oo la xiriira Teknolojiyada, iyadoo dhawaan labada dawladood kala sexiixan doonaan heshiis rasmi ah.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray mowduucyo kala duwan oo xiriir la leh horumarka adduunku ka sameynayo Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta, waxaana ka mid ah waxyaabaha looga hadlayo ilaalinta xogta gaarka ee macaamiilka iyo saameynta teknoolijiyadda; ballaarinta 5G, maalgashiga shabakadaha (network), siyaasaddaha hirarka iyo nidaaminta dhaqaalaha ku tiirsan xogta.