Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

Wasiir Jaamac Xasan Khaliif…”Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Soomaaliya waxaa laf-dhabar u ah fursadaha maalgashi ee ka bannaan Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Dalka”

03 Nov

(Muqdisho – Nofeembar, 3, 2022) Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta la kulmay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Xildhibaan Mohamud Abdirahman Beenebeene, waxa ayna kawada hadleen sidii Wasaaradda Isgaarsiinta ugu qeybgali laheyd qaban-qaabada Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Soomaaliya oo lagu qabanaayo Magaalada Muqdisho 28-29-ka bishaan Nofeembar, 2022.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in xilligaan Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ay muhiimad weyn u leedahay Kobaca iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, waxaana lagama maarmaar ah in lagu sameeyo Maalgashi Caalami ah…”Dalkeena waxa uu heestaa fursad aad qaali u ah, waxaana muhiim ah in Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Soomaaliya lagu soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka bannaan Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Dalka” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Xildhibaan Mohamud Abdirahman Beenebeene ayaa ugu horeyn Wasiir Jaamac ka siiyey warbixin kooban oo ku saabsan Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka, waxa uuna ugu Mahadceliyey sida weyn ay ugu qeyb galayaan qaban-qaabada iyo ka qeybgalka Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Soomaaliya.
Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa U-dub-dhexaad u ah Horumarka Dhaqaalaha Dalka, waxaana xilligaan taagan fursado badan oo ka banaan Maalgashiga helitaanka internet xawaare sare leh iyadoo loo gudbinkaro wadamada Deriska oo weli aan horumar fiican ka gaarin Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.