Wasiir Maxamed Soomaali oo Daahfuray Istaraatiijiyadda Qaran ee IPv6

MUQDISHO, 10 FEBRAAYO 2025.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane π—πˆπ‹πƒπ‡πˆππ€π€π πŒπ€π—π€πŒπ„πƒ 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍 πŒπ€π‚π€π‹π‹πˆπ π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆ, ayaa maanta daah-furay Istaraatiijiyadda Qaran ee internet baratakool IPv6, taasoo Soomaaliya ka dhigaysa dalkii ugu horreeyay ee Afrika ka fura xarun rasmi ah oo lagu horumarinayo laguna hirgelinayo nidaamka casriga ah ee IPv6.
Wasiirka isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (JFS) Mudane Mohamed Adam ayaa tilmaamay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay casriyeynta kaabayaasha isgaarsiinta iyo xoojinta koboca dhaqaalaha dijitaalka ah. Sidoo kale U guurista IPv6 in ay tahay tallaabo istiraatiiji ah oo sare u qaadaysa isku xirnaanta dijitaalka, kobcinta adeegyada internetka, iyo xoojinta amniga cyber-ka.
Soomaaliya Ayaa nasiib u yeelatay in ay noqoto dalkii ugu horreeyay ee Afrika laga furo xarun qaran oo gaar u ah hirgelinta internet protocol IPv6, taasoo sare u qaadaysa sumcadda iyo horumarka dhanka isgaarsiinta ee dalka.
Isteraatiijiyadaan cusub iyo xarunta Dalka laga dahaafruray ayaa Soomaaliya ka dhigaysa hoggaamiye dhanka teknolojiyadda ah ee Qaaradda, iyada oo xaruntani noqon doonto saldhig cilmiyeed iyo tababar oo mustaqbalka u diyaarinaya khubarro xirfad u leh adeegsiga IPv6.
Inta ay munaasabadda socotay, maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuriya ayaa kala saxiixday heshiis rasmi ah oo jaamacadda u xilsaaraya xarunta Qaran ee IPv6, taasoo ka dhigan in jaamacaddu door muhiim ah ka ciyaari doonto tababarka, cilmi-baarista, iyo wacyigelinta la xiriirta hirgelinta IPv6.
Istaratiijiyadaan muhiimka ah ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyo Ururka Isgaarsiinta Adduunka (ITU), kuwaasoo si wadajir ah uga shaqeeyay diyaarinta iyo hirgelinta istiraatiijiyadda qaran ee IPv6.Iyadoo ITU iyo AFRINIC ay gacan ka geysteen dhinacyada farsamada iyo tababarka si loo xaqiijiyo in Soomaaliya si buuxda ugu guulaysato dhaqan-gelinta nidaamka cusub ee IPv6.
Wasiirka isgaarsiinta iyo teknolojiaydda (XFS) Xildhibaan MAXAMED π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆ ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, iyo ganacsatada inay si firfircoon uga qeyb qaataan fulinta istiraatiijiyaddan qaran si Soomaaliya u noqoto dal ku hormaray teknolojiyadda casriga ah.
Daahfurka istiraatiijiyaddan ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kobcinta dhaqaalaha dijitaalka ah iyo dhisidda kaabayaal casri ah oo ammaan ah, taasoo dalku uga mid noqon karo waddamada safka hore kaga jira horumarka dijitaalka ee caalamka.
DHAMMAAD
………………..
Wixii faafaahin ah laxiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha.

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top