Wasiir Maxamed Soomaali oo Gudoomiyay Shirka Isbuuclaha Ah ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.

πŒπ”ππƒπˆπ’π‡πŽ,π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆπ˜π€ 𝟐5 π‰π€ππ€π€π˜πŽ πŸπŸŽπŸπŸ“
Shirka todobaadlaha ah ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa maanta ka qabsoomay xarunta wasaaradda, iyadoo uu shir guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Xildhibaan 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π€πšππšπ§ 𝐌𝐚𝐜𝐚π₯𝐒𝐧(π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆ). Iyada oo ay kasoo qeyb galeen Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo dhammaan hogaanka waaxyaha wasaaradda.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha muhiimka ah ee ka socda wasaaradda ayaa dib loo eegay qorshayaasha iyo howlaha sanadka cusub ee 2025. Wasiirka ayaa sidoo kale warbixino dhameystiran ka dhageystay agaasimayaasha waaxyaha, kuwaas oo ka hadlay horumarka shaqada iyo qorshahooda mustaqbalka dhow.
Iyadoo dhinaca kale lagu faahfaahiyay guulihii waaweynaa ee wasaaradda sanadkii tegay ee 2024.
Inta uu socday shirka todobaadlaha ah ayaa
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 Soomaali kula dardaarmay agaasimayaasha in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, hufnaanta shaqada, iyo in waqti dheeri ah lagu bixiyo fulinta howlaha muhiimka ah ee wasaaradda. sidoo kale wasiirka ayaa ku booriyay in lagu dadaalo hirgelinta adeegyo tayo leh oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo horumarinta teknoolajiyada dalka.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxaa ka go’an in sanadkan cusub ee 2025 uu noqdo mid horumar ballaaran lagu gaaro, iyadoo xoogga la saarayo hal-abuurka iyo adeegyada teknoolajiyada casriga ah ee bulshada Soomaaliyeed ka faa’iideysan karto.
DHAMMAAD
……………………..
Wixii faafaahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter: @MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top