Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (XFS) xildhibaan 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐧 (𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈) ayaa maanta ka qeyb galay madal ay soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, taas oo looga hadlayey istiraatiijiyadda dowladda ee xiriirka warbaahinta dalka.
Madasha waxaa kasoo qeyb galay xubno ka tirsan Xukuumadda Dan Qaran, ururrada bulshada rayidka ah, beesha caalamka, lataliyeyaal ka socday Xafiiska Madaxweynaha, iyo madaxda warbaahinta dalka.
Wasiirka Isgaarsiinta dalka, Maxamed Soomaali, oo munaasabadda khudbad ka jeediyey, ayaa bogaadiyey doorka adag ee Wasaaradda Warfaafinta kaga jirto dowlad-dhiska iyo ciribtirka khawaarijta, xooggana saartay jiheynta farriimaha dowladda.
Wasiirka Maxamed Soomaali ayaa sheegay in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Warfaafinta ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii xal waara looga gaari lahaa caqabadaha ka jira gudaha internetka iyo isticmaalka baraha bulshada, oo mararka qaar ay jiraan xubno si qaldan u adeegsada.
“Subax walba labada wasaaradood (Isgaarsiinta & Warfaafinta) waxaan qabanaa shaqo adag oo ku wajahan akoonno lagu gudbiyo fariimo qaldan, kuwa ku xadguba xogta dadka kale, iyo akoonno ay isticmaalaan khawaarijta oo fikradaha xag jirka ah ay ku fidiyaan. Tallaabooyinkaas waxay sahleen in la yareeyo faafinta been-abuurka, kicinta bulshada, iyo ku xadgudubka xogaha shaqsiyaadka,” ayuu yiri Wasiir 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (XFS) ayaa soo hadal qaaday sida fudud ee teknolojiyada ay qeyb uga qaadan karto horumarka dalka, isaga oo tilmaamay in ay muhiim tahay hirgelinta qorshaha dowladda ee ah qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah (QOF IYO COD).
“Waan karnaa doorasho qof iyo cod ah, ee yaan fariimo qaldan loo gudbin umadda Soomaaliyeed oo soo kabatay, deegaanno badanna oo laga xoreeyey khawaarijta, teknooljiyada oo gaartay meelo fog fog,iyo wacyi gelinta xoogan ee dowladda ay wado Dalkeenna xilligan waxa uu u diyaarsan yahay qabsoomidda doorashada shacabka ay doonayaan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Wasiir Maxamed Aadan Macalin.
Inta ay socoto madasha istiraatiijiyadda xiriirka warbaahinta Soomaaliya, waxaa lagu soo bandhigay dooddo, wada-sheekeysi, iyo khudbado ay jeediyeen martidii shirka ka qeyb gashay. Waxaana la filayaa in dhamaadka madasha laga soo saaro talooyin iyo fikrado wax looga beddeli karo hannaanka xiriirka warbaahinta dalka.
DHAMMAAD
………….
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
𝐀𝐥𝐢 𝐎𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:@MoctSomalia




