WASIIR MAXAMED SOOMAALI OO KORMEERAY BANDHIGA HORDHACA AH EE QORSHAHA ISBEDELKA QARAN AH .

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, ARBACO, 13 NOVEMBER 𝟮𝟬𝟮𝟰:
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya mudane 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Aadan Macalin (Soomali) ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee shanta sano ee soo socta 2024-2029
Booqashadan uu wasiirku ku gaaray xarunta diyaarinta qorshaha isbeddelka qaran waxaa ka qeyb ahaa wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Dan Qaran oo dhawaanahaan ku howlan diyaarinta qorshahaan ee uu MW jamhuuriyadda daahfuray 16-kii Oktoobar 2024.
Waa markii labaad ee uu wasiir Maxamed Soomaali booqdo xaruntan oo howlo adag ay ka socdaan kana dhageystay howl-wadeenada
hanaaka howsha ay usocto iyo halka ay wax marayaan ,wasiirka ayaa ku amaanay xubnaha shaqada gacanta ku haya sida hufan ee ay howshu uwadaan.
DHAMAAD
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top