Muqdisho, 14 Diseembar 2024
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin (Soomaali), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Isgaarsiinta.Kormeerkan shaqo oo qayb ka ah kormeer oo uu dhawaanahaan ku marayay wasaaradaha kala duwan ee dalka.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa ugu horreyn uga warbixiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka hanaanka shaqada Wasaaradda iyo horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay. Wasiirku waxa uu sidoo kale si faahfaahsan ugu sharaxay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka qorshayaasha ku aaddan mustaqbalka dhow ee Wasaaradda iyo higsiga ay leedahay.
Intii uu kormeerku socday, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa tagay waaxyaha iyo xafiisyada Wasaaradda, halkaas oo uu mid mid warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud ee wasaaradda isgaarsiinta, agaasima waaxeedyada, iyo lataliyayaasha wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyada (JFS) .
Intaas ka dib, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa booqday waaxda boostada, halkaas oo looga furay sanduuqiisa cusub ee boostada (PO-BOX), isaga oo sidoo kale la guddoonsiiyay shahaado cadeyn u ah furashada sanduuqa.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa bogaadiyay Wasiir Maxamed Aadan iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda dadaalkooda joogtada ah, Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Wasaaradda Isgaarsiinta ay soo bandhigtay qorshayaal waxtar leh oo gacan ka geysanaya horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyadda dalka.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in howlaha muhiimka ah ee ay Wasaaraddu qabato ay ku dheehan yihiin hal-abuur, hufnaan, iyo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda. Wuxuu si gaar ah u xusay in Wasiir Maxamed Soomaali uu yahay hoggaan ku dayasho mudan oo si hagar la’aan ah ugu adeegaya bulshada, aasaasna u dhigaya mustaqbalka dijitaalka ah ee dalka.
Ujeeddada kormeerkan ee Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS ayaa ahayd in la isku xog waraysto oo kor loo qaado dardar-gelinta iyo taabba-gelinta howlaha muhiimka u ah Wasaaradda, iyo diyaar-garowga hirgelinta barnaamijka casriyeynta Qorshaha Qaranka (NTP).
DHAMMAAD
……………………
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
𝐀𝐥𝐢 𝐎𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia




