Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ππ’π₯ππ‘π’ππππ§ Mohamed Adam Mo’alim Ali (ππ¨π¨π¦πππ₯π’), ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Shirka Fulinta Hawlgalka Mashruuca EA-RDIP, oo saddaxdii maalin udambeysay ka soconayey gudaha magaalada muqdisho.
Shirkan, oo markii ugu horreysay lagu qabtay gudaha Dalk, ayaa lagu falanqeeyay fulinta qorshaha sannadlaha ee mashruuca (AWP), iyadoo la adkeeyay in si degdeg ah loo dhaqan geliyo si loo xaqiijiyo yoolalka istiraatiijiga ah ee mashruuca.
Intii ay munaasabadda xiritaanku socotay, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane MAXAMED AADAN ayaa hoosta ka xarriiqay in mashruucu uu muhiim u yahay horumarinta kaabeyaasha dhijitaalka ah ee dalka, taasoo sare u qaadaysa isku xirnaanta bulshada iyo horumarka adeegyada teknolojiyadda. Wasiirku wuxuu xusay in iskaashi, hufnaan, iyo masβuuliyad wadareed ay lagama maarmaan u yihiin guusha ππ-ππππ, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Xukuumadda iyo Wasaaradduba ay ka goβan tahay in meesha laga saaro caqabad kasta oo carqaladeyn karta u adeegidda bulshada iyo hirgelinta mashruuca.
Dhanka kale, Wasiir MAXAMED ππππππππ wuxuu ku dhiirrigeliyay dhammaan hayβadaha mashruuca ku lug leh inay dardar geliyaan shaqooyinka hortabinta leh, si loo xaqiijiyo in mashruucu uu si buuxda u gaaro yoolalkiisa.
Xiritaanka shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane AXAMED CISMAAN DIIRIYE iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, kuwaas oo muujiyay sida ay uga goβan tahay in mashruucu si waxtar leh ugu faaβiideeyo bulshada Soomaaliyeed, iyagoo xusay in wada-shaqeyn joogto ah ay tahay furaha guusha hirgelintiisa.
Mashruuca EA-RDIP wuxuu ka mid yahay mashaariicda ugu muhiimsan ee lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta iyo teknolojiyadda, si kor loogu qaado iskuxirka bulshada, fursadaha dijitaalka ah, iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxaa la rajeynayaa in hirgelintiisu ay gacan ka geysan doonto kor u qaadista adeegyada casriga ah, horumarinta kaabeyaasha teknolojiyadda, iyo fududeynta helitaanka fursado dhijitaal ah oo wax ku ool ah.
Shirkan oo guul kusoo dhammaaday ayaa markale muujinaya sida ay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyaddu uga goβan tahay horumarinta adeegyada casriga ah, kobcinta dhaqaalaha, iyo dhismaha kaabeyaasha lagama maarmaanka u ah horumarka Soomaaliya.
DHAMMAAD.
………………
Wixii faafaahin ah laxiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Email: media@moct.gov.so
Website: www.moct.gov.so
Twitter: @MoctSomalia




