๐๐๐๐๐๐๐๐, ๐๐๐๐๐๐ ๐๐, ๐๐๐๐
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda (XFS), ๐ซ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ก ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ก ๐ ๐๐๐๐๐๐ก (๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐), ayaa si rasmi ah u soo xiray shirweyniha Maalinta Caalamiga ah ee Gabdhaha ku jira Teknoolojiyadda iyo Isgaarsiinta (Girls in ICT Day), oo dunida laga xuso maanta oo kale 24 April.
Shirkan oo qabanqaabadiisa ay iska kaashadeen Hayโadda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Machadka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Qaranka iyo Machadka SIMAD iLAB, ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista ka qeybgalka gabdhaha Soomaaliyeed ee xirfadaha tiknoolajiyadda iyo isgaarsiinta.
Waxaa shirka ka soo qeybgalay masโuuliyiin heer dowladeed ah, jaamacado, hayโado horumarin ah, shirkado isgaarsiin, bixiyeyaasha adeegyada internet-ka, iyo ururo ka tirsan bulshada rayidka. Sidoo kale waxaa goobta lagu martiqaaday khubaro iyo madax ka socday hayโado caalami ah oo ay ka mid yihiin Lionel Laurens, Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, iyo Dr. Ally Simba, Madaxa Ururka Isgaarsiinta Bariga Afrika (EACO),.
Wasiir ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐ oo hadal xiritaanka ah ka jeediyay shirka ayaa caddeeyay sida ay uga goโan tahay Dowladda Federaalka in la dhiso mustaqbal dhijitaal ah oo caddaalad ku dhisan, islamarkaana loo abuuro fursado siman oo ay ka faaโiideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha:
โ๐๐ฐ๐ณ๐ถ๐ฎ๐ข๐ณ๐ฌ๐ข ๐ฅ๐ฉ๐ช๐ซ๐ช๐ต๐ข๐ข๐ญ๐ฌ๐ข ๐ฆ๐ฆ ๐๐ฐ๐ฐ๐ฎ๐ข๐ข๐ญ๐ช๐บ๐ข ๐ฎ๐ข ๐ฅ๐ฉ๐ข๐ฎ๐ข๐ข๐ฏ ๐ฅ๐ฐ๐ฐ๐ฏ๐ฐ ๐ช๐ญ๐ข๐ข ๐ฅ๐ฉ๐ข๐ญ๐ช๐ฏ๐บ๐ข๐ณ๐ข๐ฅ๐ฆ๐ฆ๐ฏ๐ฏ๐ข, ๐จ๐ข๐ข๐ณ ๐ข๐ฉ๐ข๐ข๐ฏ ๐จ๐ข๐ฃ๐ฅ๐ฉ๐ข๐ฉ๐ข, ๐ง๐ถ๐ณ๐ด๐ข๐ฅ ๐ถ ๐ฉ๐ฆ๐ญ๐ข๐ข๐ฏ ๐ช๐ฏ๐ข๐บ ๐ฃ๐ข๐ณ๐ต๐ข๐ข๐ฏ, ๐ฌ๐ข ๐ฒ๐ฆ๐บ๐ฃ๐ฒ๐ข๐ข๐ต๐ข๐ข๐ฏ ๐ฉ๐ข๐ญ-๐ข๐ฃ๐ถ๐ถ๐ณ๐ฌ๐ข, ๐ฅ๐ฐ๐ฐ๐ณ๐ฏ๐ข ๐ฌ๐ถ ๐บ๐ฆ๐ฆ๐ด๐ฉ๐ข๐ข๐ฏ ๐ฉ๐ฐ๐จ๐จ๐ข๐ข๐ฎ๐ช๐ฏ๐ต๐ข ๐ฉ๐ฐ๐ณ๐ถ๐ฎ๐ข๐ณ๐ฌ๐ข ๐ต๐ฆ๐ฌ๐ฏ๐ฐ๐ฐ๐ญ๐ข๐ซ๐ช๐บ๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข ๐ฅ๐ข๐ญ๐ฌ๐ข.โ
ayuu yiri wasiir Soomaali
Shirka ayaa si gaar ah diiradda u saaray doorka haweenka ee horumarka dhijitaalka ah, iyadoo lagu soo bandhigay doodo aqooneed iyo tartan hal-abuur oo ay ka qeybqaateen gabdho Soomaaliyeed oo dhanka ICT-ga ku firfircoon.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ayaa ballanqaadday in ay sii laba-jibbaarayso dadaallada lagu yareynayo farqiga dhijitaalka ah ee u dhexeeya labka iyo dheddigga, iyadoo kor loo qaadayo helitaanka fursadaha waxbarasho iyo shaqo ee dhanka teknoolajiyadda.
DHAMMAAD
————-
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdalla
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Email: media@moct.gov.so
Website: www.moct.gov.so
Twitter: @MoctSomalia




