Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda (XFS) mudane Xildhibaan πππ±ππ¦ππ πππππ§ πππππ₯π’π§ (πππππππ) ayaa maanta furay shirka xirfadlayaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada oo ah madashii 7-aad ee la qabto, oo ay soo agaasimeen bahda xirflayaasha ICT-ga waddanka ee ku midaysan madasha madaxa banaan ee Somali Network Operatorβs Group (SomNOG),
waxaana goob joog ahaay Agaasimaha guud ee wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda , Agaasimaha guud ee Hayβadda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Qaranka, khubaro ka socta shirkadaha isgaarsiinta dalka, iyo bahdata teknolojiyadda.
Shirka ayaa ah golle furran oo ay dhammaan xirfadlayaasha iyo danneeyaasha ICT-ga ku wadaagi karaan aqoonta iyo waayo-aragnimada, laguna kobciyo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay horumariyaan xirfaddooda dhinaca ICT-ga.
Wasiir Maxamed Aadan ayaa bogaadiyey howl-wadeenada Madasha SomNOG joogteynta tababarada iyo shirarka lagu hormarinayo aqoonta iyo xirfaddaha dhinaca Isgaarsiinta iyo Teknoolajiadda waddanka. Waxa uu si gaara ugu hambalyeeyay inay markale sanadkan soo agaasimeen shirweynihii 7 -aad oo maanta furmay.
Wasiir isgaarsiinta Dalka Mudane Xildhibaan πππ±ππ¦ππ πππππ§ oo ku dheeraaday ka hadalay muhiimadda shirka ayaa yiri:
“Waxaan ku jirnaa qarnigii xogta iyo digitaalka, waana muhiim inaan la jaanqaadno horumarka Teknooliyada aduunka, gaar ahaan inaan ku dabaqno baahiyaha kala duwan ee ka jira waddankeena sida;
– Horrumarinta Aqoonta dhaqaalaha (Digital Literacy )
– Abuurista ganacsiyo cusub
– Shaqa abuurka dhalinyarada
– Casriyeeynta adeegyada dowladda iyo yareynta musuq-maasuqa
– Baahinta aqoonta iyo cilmi baarista wadanka”
Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa ka qeyb galay dood wadaag lagu soo bandhigay madasha oo ay sidoo kale ka qeyb galeen masuuliyiin ka shaqeysa teknolojiyadda dalka
Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda ayaa ku howlan dajinta siyaasadda iyo hirgalinta Istaraatiijiyada xukuumad danabeedka (E-government), iyo Siyaasadda Dhijitaalka loo dhanyahay .sidoo kale waxay wasaaraddu ku hawlan tahay fullinta aasaaska qaab-dhismeedka sharciga ee dhaqaalaha dijitaalka ah, oo ay kujiraan sharciyo daboolaya aagaga, sida ilaalinta xogta, e-transaction/e-commerce, amniga internetka iyo dambiyada internet-ka, iwm.
Sharciyadan ayaa la filayaa inay ka tarjumaan heerarka ugu wanaagsan ee caalamiga ah, kuwaas oo u gogolxaaraya in Soomaaliya ay ku biirto caalamka ku habboon heshiisyada iyo ka qayb-qaadashadda dhaqdhaqaaqa ku wajahan is-dhexgalka suuqa dhijitaalka ah ee gobolka iyo wixii intaa dhaafsiisan.
DHAMMAAD
………………………….




