
Wasiirka Boostada oo ka qeyb galay Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta ee Jaamacadda Carabta
(Riyad, Sacudi Carabiya– Desember 19, 2019) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya. Shirka 23-aad ee Caadiga ah ee Wasiirrada Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Carbeed ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca tiknolojiyada ah ee dalalka Carabta, iskaashiga Carabta iyo Shiinaha iyo horumarinta is-dhaafsiga aqooneed. Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay horumarinta iyo daahfurka dadaallo lagu dhiirigelinayo horumarinta tiknolojiyadda sida Madasha Maamulka Internetka, Tayenta Muxtawaha Carbeed ee Internetka, iyo qodobo kale.
Wafdiga Wasiirka ayaa sidoo kale ka qeybgalay caleemo-saarka Caasimadda Carbeed ee Digitalka ah ee sanadkan, taas oo sanad walba loo aqoonsan doono magaalo ka mid ah dalalka Jaamacadda Carabta. Dhinaca kale Wafdiga Wasiirka ayaa waxa ay sidoo kale kulamo doceedyo la qaateen qaar ka mid ah dalalka Carbeed ee ka soo qeybgalay dalka, si gaar ah dalalka Cuman kaas oo si gaar ah looga hadlay iskaashi dhinaca horumarinta kaabayaasha Isgaarsiinta ah iyo qodobo la xiriirra dhinaca ammaanka internetka. DHAMMAAD DHAMMAAD |
……………………… |