WASIIRKA ISGAARAIINTA IYO TEKNOOLOJIYADDA “ISTICMAALKA HIRARKA WAAXA AY MUHIIM U TAHAY TARTANKA ISGAARAIINTA”

(Muqdisho, 30, November, 2023) …….Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS, Md. Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta Shir Guddoomiyey kulan wadatashi ah oo loo qabtay shirkadaha isgaarsiinta dalka oo looga hadlay Tilmaamaha la xiriira isticmaalka hirarka.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Xildhibaan Md Xuseen Axmed Culusow, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md Mustafa Yaasiin Sheekh iyo Wakiillo ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.
Wasiirka Isgaaraiinta iyo Teknoolojiyadda oo ka hadlay kulankaan ayaa sheegay….”Tilmaamaha la xiriira isticmaalka hirarka waxa ay muhiim u tahay horumarinta tayada adeegga, kororka hal-abuurka iyo kor-u-qaadista tartanka Isgaarsiinta Dalka”……
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa 9-ka Bishii Oktoobar 2023 si rasmi ah u daahfuryay Xarunta Kormeerka Hirarka taasoo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top