WASIIRKA ISGAARAIINTA IYO TEKNOOLOJIYADDA OO KA QEYBGALAYA SHIRKA ISGAARAIINTA RADIYAHA ADDUNKA.

(Dubai United Arab Emirates, 20, November, 2023) …….Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya, Mudane Jaamac Khaliif, oo ay wehliyaan Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafe Yaasiin Sheekh, iyo ku-xigeenka Mudane Axmed Cali Salaad iyo la-taliyeyaal ayaa ka qeyb-galaya Shirka Isgaarsiinta Raaadiyaha Adduunka (WRC-23) oo maanta ka furmay magaalada Dubai.
Shirkan oo la qabto afartii sanaba mar, waxa uu dalalka adduunka siinayaa madal ay ku kulmaan, kaga wada hadlaan, kuna falanqeeyaan isticmaalka hirarka raadiyaha iyo wareegyada dayax-gacmeedka.
Wasiir Isgaaraiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Md. Jaamac Xasan Khaliif ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay kaqeybgalka Shirka Isgaarsiinta Raaadiyaha Adduunka, waxaanu yiri “ka qeyb-galkeenna waxa uu ka tarjumayaa sida ay nooga go’an tahay in aan hubinno isticmaalka habboon ee hirarka Raadiyaha, kaas oo muhiim u ah horumarka iyo horusocodka qarankeenna. Waxaan rajeyneynaa inaan iskaashi la sameyno dalalka kale iyo khubarada qeybta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda si wax looga qabto caqabadaha iyo fursadaha ka jira arrimahan.”
Isagoo ka hadlayay muhiimadda ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa yiri, “Ka qeybgalkeenna shirkan wuxuu fursad inoo siinayaa inaan ku muujino ra’yigeena, isku-dhaafsanno aqoon iyo khibar, isla markaana gacan ka geysaneyno qaabeynta mustaqbalka maaraynta hirarka ee heer caalami,” isagoo intaasi ku daray in kooxda ka socota HIQ ay soo diyaariyeen hindisayaal taabanaya arrimaha hirarka ee Soomaaliya.
Wafdigan muddada uu socdo shirka ayaa ka qeyb qaadan doonaan doodaha ku saabsan sida hufan ee looga faa’ideysanayo isticmaalka hirarka.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top