WASIIRKA ISGAARAIINTA IYO TEKNOOLOJIYADDA OO SOO XIRAY TABABAR KU SAABSAN QORAALKA QUMMAN EE AFSOOMAALIGA.

(Muqdisho, 9, December, 2023) …….Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS, Md. Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda u soo xiray Tababar ku saabsan Qoraalka qumman ee Afsoomaaliga, waxaana bixinaayey xubno ka tirsan guddiga Afka Soomaaliga ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.
Tababarkan oo socday muddo 5 maalmood, waxaa lagu qaatay xeerarka Astaamaha Qoraalada, habka diyaarinta warbixinada iyo Qoraal Qoridda Habboon.
Wasiirka Isgaaraiinta iyo Teknoolojiyadda oo ka hadlay gebagebada Tababarkaan ayaa sheegay….”Qorshaha Wasaaradda waxaa ka mid ahaa in Shaqaalaha la siiyo tababaro kor loogu qaado xirfadaha ay ku shaqeeyaan, Tababarkaan waxa uu muhiim u yahay in la saxo dhigaalka Afsoomaaliga iyo qaabka loo qoro warqadaha Dowladda iyada oo la raacaayo xeerarka iyo Astaamaha loo dejiyey”……..
Ugu danbeyn Wasiirka ayaa u Mahadceliyey maamulka Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo macalimiinta bixisay Tababarkaan, waxa uuna xoojiyey in lagama maarmaan ay tahay in la helo shaqaalo leh aqoon tayo sare leh.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top