(Dubai United Arab Emirates, 23, November, 2023) …….Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, oo ka qeybgalaya Shirka Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka 2023 (WRC 23), ayaa kulamo doceedyo la qaatay masuuliyiin ka socotay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU).
Kulan doceedka koowaad waxa uu la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Isgaarsiinta Adduunka (ITU), Marwo Doreen Bogdan-Martin oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo ITU, si loo hormariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyadda, waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray hirgelinta barnaamijka ITU ee dalkeenna.
Kulanka labaad waxa uu kulan la yeesheen Mudane Mario Maniewicz, Agaasimaha Xafiiska Isgaarsiinta Raadiyaha ee ITU, waxayna kawada hadleen ka faa’ideysiga hufan ee hirarka ee Soomaaliya, karti-dhisidda, iyo tilmaamaha dhinacyada farsamada ee Xeer-nidaaminta Isgaarsiinta Raadiyaha.
Kulan doceedka waxaa Wasiirka ku wehlinaayey Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafe Yaasiin Sheekh, iyo ku-xigeenka Mudane Axmed Cali Salaad iyo la-taliyeyaa waxa ayna ka qeyb-galayaan Shirka Isgaarsiinta Raaadiyaha Adduunka (WRC-23) oo sanadkaan ka dhacay magaalada Dubai.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia