Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Moxamed Soomaali oo Lakulmay wefdiga mashruuca Safe Digital Boost for Africa (SDBA).

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—”๐˜…๐—ฎ๐—ฑ, ๐Ÿฎ๐Ÿณ ๐—ข๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ:โ€” Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ๐—ซ๐—ถ๐—น๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ ayaa maanta la kulmay wefdiga mashruuca Safe Digital Boost for Africa (SDBA), oo ay hogaaminayaan xubno ka socday Midowga Yurub iyo Wadamada Bulshada Bariga Afrika (EAC). Kulankaas ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga lagu hormarinayo isku xirka dhijitaalka ee Afrika, iyada oo xooga la saarayo midaynta xeerarka iyo siyaasadaha dhanka Teknoolojiyada.
Wasiirka ayaa bogaadiyay dadaallada ku wajahan horumarinta isku xirka dhijitaalka Afrika oo ujeedkoodu yahay dhisidda Suuq Guud oo Afrikaan ah. Wasiirka oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa yiri: โ€œDowladda Soomaaliya waxa ay ka goโ€™an tahay horumarinta isku xirka gobolka, waxaana muhiim noo ah in aan mideyno shuruucda iyo siyaasadaha tiknoolojiyada si aan ula jaanqaadno dalalka dariska ah. Waxaan rabnaa in aan dhisno isgaarsiinta qaran ee gudaha dalka kaasi oo aan ku xireyno dalalka gobolka si loo abuuro deegaan ammaan ah oo isku xirnaansho leh oo Afrika ka dhaxaysa.โ€
Sida uu sheegay wefdiga Midowga Yurub, mashruucaan oo ah iskaashiga โ€œTeam Europeโ€ ayaa la qorsheynayaa in uu bilaabmo sanadka 2025 si loo xaqiijiyo in Afrika loo dhiso nidaam isku xirnaan leh oo ammaan ah oo la jaan qaadi kara isbeddelka xawliga leh ee aduunka dhanka dijitaalka.
โ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
See Translation

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top