Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa ,,,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ku qaabilay Xarunta Wasaaradda, waxayna kawada hadleen howlaha khuseega Isgaarsiinta laga isticmaalo Caasimadda.
Kulankaan oo muhiimad gaar ah u lahaa sida looga wada shaqayn lahaa in dadka caasimadda deggan ay si buuxda uga faa’iiseysan lahaayeen adeegga boostada oo ay Wasaaraddu qorshaynayso inay sare u qaaddo.
Sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii maamulka gobolku uu gacan uga geysan lahaa xarkaha internetka ee dhulka hoostiisa mara sidii loo xafidi lahaa loogana ilaalin lahaa dadka dhismayaasha ku gudajjra amase siyaabo kala duwan dhulka u qoda inay waxyeeleeyaan xarkahaas muhiimka u ah isgaarsiinta, meelaha ay ka go’aanna durba la iskaga kaashado in gacan laga geysto dayactirkooda.
Duqa caasimadda ayaa Wasiirka uga mahad-celiyey in Xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyo, adeeg waxtar weyn u leh ummaddana sida ugu sahlan ee looga wada-shaqayn karana ay ka wada hadlaan.

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top