Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo ka qeybgalay Madasha WSIS 2023.

(Geneva, Switzerland – Maarso 16, 2023)…. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ka qeybgalay Madasha WSIS 2023 oo lagu qabtay Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.
Madashaan ayaa waxaa looga hadlay sida Tiknoolajiyadda dhijitaalka ay muhiim ugu tahay heerarka nolosha malaayiin dad ah, oo xiliigaan baahi weyn u qaba horumarka ajandaha waara ee la doonayo in la hubiyo iyo ka qeybgalka Kacaanka dhijitaalka ah ee dardargelinaya in uu u sahlo wax ka badalidda nolosha dadka si wanaagsan..
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo ka qeybgalay Dood wadaag loo qabtay Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ka qeybgalay Madasha WSIS 2023 ayaa la wadaagay heerka Horumarka Teknolojiyada dalkeena, caqabadaha, fursadaha iyo Qorshaha ku aadan la qabsiga Dhijitaalka oo adduunka u guurayo.
Wasiirka ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) waxayna kala ahaayeen Doreen Bogdan-Martin, Xoghayaha Guud ee Ururka, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud Tomas Lamanauskas iyo Cosmas Zavazava Xafiiska Horumarinta Isgaarsiinta ITU waxayna ka wada hadleen xiriirka Labada dhinac iyo sida loo xoojinlahaa.

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top