𝗚𝗲𝗻𝗲𝘃𝗮, 𝗦𝘄𝗶𝘁𝘇𝗲𝗿𝗹𝗮𝗻𝗱 – 𝗠𝗮𝘆 𝟯𝟬, 𝟮𝟬𝟮𝟰….Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa ka qeybgalay kulan muhiim ah oo dib loogu eegay Maamulka Garaadka Macmalka ee Artificial Inelegance- AI for Good 2024 oo hormar balaaran laga gaaray mudooyinkii dambe isla markaana looga faa’iideesanlahaa.
Si loo dhiso kalsoonida Xogta AI-da, aysan dhicin in banaanka u baxaan xog muhiim ah taasoo khatar ka dhalan karta, waxaa laga doodayaa in Dal walba sameesto sharciyo & habraacyo u gaar ah oo ku saleesan baahida dalkiisa ka dibna la jaanqaado kan aduunku ku midoobayo.
Wasiirka Isgaaraiinta 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa intii lagu guda jiray Shirka waxa uu adkeeyey muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada dhinacyada badan ee maamulka AI-da, Iyadoo wada shaqaynta noocan ah ay lagama maarmaan u tahay hubinta in dalalka soo koraya, sida Soomaaliya, ay ka faa’iidaystaan faa’iidooyinka waaweyn ee AI-da.
𝗨𝗴𝘂 𝗱𝗮𝗻𝗯𝗲𝘆𝗻 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 ayaa Shirka ku soo bandhigay baahida loo qabo in la helo halbeegyo la isla ogolyahay, taasoo xaqiijinaysa inaysan jirin dal ka haraya kacaanka AI-da.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia



