(China Zhingzu – Juun 3, 2023)……Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku tegey dalka Shiinaha.
Wasiirka ayaa ka qayb galay kulammo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Munaasabadda Maalinta Dalalka Afrika & Shiinaha. Wuxuu sidoo kale wasiirku khudbad heer sare ah ka jeediyey Shir Caalami ah oo loogu magac daray Golaha Sayniska & Teknoolojiyaada ee Zhongguancun, kaasoo illaa iyo sannadkii 2007 la qabanayey sannad kasta “Muhiimadda ay leedahay in Sayniska & Teknolojiyada si furan oo saaxiibtinnimo leh loo wadaagaa, waxa ay door weyn ka ciyaari kartaa Horumarinta Nolosha Aadanaha” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa sidoo kale sheegay in Qorshaha Teknoolojiyada ee casriyeyta Magaalooyinka (Smart City) uu door weyn ka ciyaarayo yaraynta saxmadda gaadiidka, horumarinta caafimaadka, xoojinta bedqabka iyo amniga iyo sidoo kale xakamaynta hawada wasakhaysan.
Wasiirka ayaa booqasho ku tegey Xarunta weyn ee Shirkadda Huawei oo ka mid ah Shirkadaha ugu sareyo dhanka Teknolojiyada, waxa uuna kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda sare ee shirkadda.
Ugu danbeyn Wasiirka ayaa Booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee China, waxaana soo dhaweeyey Safiirka Safaaradda J. F. Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Awale Ali Kullane, waxa ayna ka wada hadleen sida looxoojinkaro Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha iyo sida looga faa’iideysan karo heerka Teknolojiyada ay gaareen Dalka Shiinaha.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia


