𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟮𝟮 𝗟𝘂𝘂𝗹𝘆𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟰: — Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa maanta Daahfuray Wadatashiga Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Dege-dega ah ee Amniga Internet-ka, oo noqon doonta mid muhiim u ah xoojinta amniga internetka ee dalka, iyadoo diiradda saaraysa sugidda amniga kaabayaasha aasaasiga ah sida isgaarsiinta, maaliyadda, iyo kuwo kale.
Wadatashiyadaan, oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa ka soo qeyb galaya Maareeyaha Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka Md. Mustafa Yaasin Shiikh, Maareeyaha Hey’adda Seybarka Md. Cabdullaahi Cabdiwahaab Xasan, daneeyayaal muhiim ah oo kala socda dhammaan hay’adaha dowladda, bangiyada, xawaaladaha, shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka, kuwa korantada, Jaamacadaha, ururada bulshada iyo Gobolka Benaadir.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Md. Mustafa Yaasin Shiikh oo ka halay daahfurkaan ayaa sheegay….”Aasaasidda Kooxda CSIRT waxay calaamad u tahay horumar weyn oo ku saabsan dadaalladeenna joogtada ah ee lagu sugayo kaabayaasha qaranka, Kooxdan waxay noqon doontaa tiir-dhexaadka qaab-dhismeedkeenna amniga internet-ka, iyagoo ka jawaabaya xaaladaha amniga, ururinaya xogta amniga, islamarkaana yareynaya khataraha iyo nuglaanta Teknoolojiyadda.” Ayuu sii raaciyey
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) oo daahfuray wadatashiga, ayaa muujiyay muhiimadda xaruntan….. “Iyada oo ay sii kordhayaan weerarrada internet-ka ee caalamka, dhismaha kooxda CSIRT wuxuu yimid waqtigiisa. Xaruntan ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doonta ilaalinta xuduudaheena dhijitaalka ah iyo xoojinta ujeeddooyinkeenna dhaqaale iyo amni qaran,” ayuu yiri Wasiirka.
Wadatashiyadan ayay ujeedadiisu tahay in saddexda maalin looga doodo laguna falanqeeyo sida ugu habboon ee asaaska Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Internet-ka (CSIRT), taas oo lagu xoojin doono amniga internetka Soomaaliya.
Ugu danbeyn waxaa Baarlamaanka horyaalo Sharciga Sharsiga Amniga Saabarka iyo Sharciga Cyber Crime oo la filaayo In xaruntaan bud-dhig u noqdo.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
+39