Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xildhibaan Maxamed Soomaali ka qeybgalay Xafladda Daahfurka Adeegga Visa Card ee Salaam Banka.

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐Ÿญ๐Ÿฐ ๐—Ÿ๐˜‚๐˜‚๐—น๐˜†๐—ผ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ: โ€” Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ๐—ซ๐—ถ๐—น๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ (๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ) ayaa ka qeybgalay Xafladda Daahfurka Adeegga Visa Card iyo POS ee Salaam Somalia Banka oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana goobjoog ahaa Raโ€™iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirada, Xildhibaanada labada Aqal, Madaxda midowga Ururka Bangiyada, Ganacsatada iyo Mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ๐—ซ๐—ถ๐—น๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey Xafladda Daahfurka ayaa Sheegay in Wasaaradda Isgaarsiinta ay ku hoowlantahay dejinta Sharciyada lagu maamulaayo Shuruucda iyo Nidaamka adeegyada lagu isticmaalo Dhijitaalka, iyo adkeynta Amnigooda haddii ay dhacaan weeraro ugu yimaado dhanka Internetka.
Ugu danbeyn Wasiirka ayaa bogaadiyey Adeeggaan ay soo kordhiyeen Salaam Somalia Banka oo waxbadan fududeendoono nolosha, si gaar ahna waxa uu ugu mahadceliyay Madaxda iyo Howlwadeenada ka soo shaqeeyey howshaan.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top