𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟯𝟬 𝗝𝘂𝘂𝗻, 𝟮𝟬𝟮𝟰: – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Teknolojiyada Muqdisho oo looga hadli doono sanadkaan Shaqa abuurista iyadoo loo maraayo Waxbarashada iyo Horumarinta Xirfadaha, waxaana ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday Dowladda, Madaxda Jaamacadaha, iyo Bulshada Rayidka.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey Shirweynaha ayaa sheegay in Teknolojiyada ay qaabeeso waxbarashada iyadoo la gaarsiinaayo meel sare…..“Shahaadadu ma ahan xirfad ee waa wabarasho nidaamsan oo la maro, taasoo caddeyneysa in aad soo martay hannaanka wax-barasho, laakiin xirfaddu waa waxa lagu shaqeeyo ee aan ku dadaalno in aan xirfadaha hormarinno anagoo isticmaaleyno Teknoolajiyada si dhallinyarada iyo dadka kale ugu baxaan shaqo la’aanta heesata”……ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.
Ugu danbeyn Wasiirka ayaa u mahadceliyay Hey’adda iRise oo soo qabanqaabisay Shirweynahan iyo intii ku dhiirri-gelisay inay qabsoonto hawshan weyn.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia