𝗕𝗲𝗶𝗷𝗶𝗻𝗴 – 𝗖𝗵𝗶𝗻𝗮, 𝟯𝟬 𝗟𝘂𝘂𝗹𝘆𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟰:— Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Beijin ee Wadanka Shiinaha uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Horumarinta Dhijitaalka, waxaana si gaar ah sanadkaan diiradda loo saaray Iskaashiga Dhijitalka ee Kaabayaasha, Hal-abuurka, Isbeddelka, Siyaasadda, Amniga iyo Iskaashiga Awooda Dhijitaalka.
𝗠𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗜𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗻𝗮𝗵𝗮 waxaa soo qabanqaabisay Wasaarada Warshadaha Iyo Teknoolojiyada ee Shiinaha, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirada Isgaarsiinta ee Wadamada Afrika, , Shirkadaha ka shaqeeyo Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, kuwa Hal-abuurka iyo aqoonyahano ku xeerdheer ICT-da.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 oo khudbad ka jeediyey Madashaan ayaa soo dhaweeyey istaraatiijiyadaha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo hababka lagu kobcin karo wadamada Afrika ee ka shaqeeya adeegyada dhijitaalka.
” Soomaaliya marka laga hadlaayo arimaha Dhijitaalka waxey ka qabatay shaqooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Ansixinta iyo diyaarinta Shuruucdii lagu hagi lahaa, waxaana hadda Baarlamaanka Dalka horyaalo Sharciga Amniga Saabarka iyo Sharciga Cyber Crime, waxaana qeyb weyn ka yahay Dhijitaalka Qorshaha Wasaaradda ee 2024-2029″…..
Madasha waxaa ka soo baxay in la xoojiyo Xiriirka iyo Wadashaqeynta iyadoo la iska kaashanaayo Qorshe Hawleedka Afrika iyo Shiinaha ee Iskaashiga Dhijitaalka iyo Horumarintiisa.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia