๐ฅ๐ผ๐บ๐ฒ – ๐๐๐ฎ๐น๐, ๐ญ๐ฑ ๐๐๐๐น๐๐ผ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฐ: โ Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐น๐ถ (๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ) ayaa Magaalada Rooma ee Wadanka Talyaaniga uga qeybgalay Shirweynaha Hawada Sare ee Talyaaniga iyo Afrika oo sanadkaan looga hadlay xoojinta iyo Iskaashiga Dhanka waxbarashada Teknoolojiyada hawada sare iyo cilmi-baarista la xiriirta, waxaana Daahfuray ๐๐ป๐๐ผ๐ป๐ถ๐ผ ๐ง๐ฎ๐ท๐ฎ๐ป๐ถ Raโiisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Talyaaniga.
๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฎ๐ป waxaa ka qeybgalaya Wasiirada Isgaarsiinta ee Wadamada Afrika, Madaxa Wakaalada hawada sare ee Talyaaniga, Madaxda Shirkadaha ka shaqeeya Teknolojiyada iyo Hoggaanka Wakaaladaha hawada sare ee wadamada Afrika. waxaana soo agaasimay Shirka Wakaalada hawada sare ee Talyaaniga ee loo yaqaano (ASI) iyo Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Talyaaniga.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey Shirka ayaa soo dhaweeyey Iskaashigaan si gaar ah Qorshayaasha lagu hormarinayo isticmaalaalka Teknoolojiyada hawada sare si loo hormariyo Arimaha Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, biyaha iyo Tamarta. Kaabayaasha Hey’adaha Hawada Sare iyo Tababarada.
“Fursdaaan waxa ay noo tahay guul kale in Aqoonta Hawada Sare anaga oo adeegsaneyno Teknolojiyada in aan ka faa’iideesano si loo hormariyo adeegyada ay u baahanyihiin Bulshada Soomaaliyeed” …..ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.
Shirka Hawada Sare ee Talyaaniga iyo Afrika waxa uu yimid kadib Shir-madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika oo la qabtay Sanadkaan bishii Janaayo ayna ka soo qeybgaleen 46 Madax-xukuumadeed oo ka socday Afrika, Madaxda dowladda Talyaaniga, Wasiiro, wakiilo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ujeedkiisana waxa uu ahaa xoojinta Xiriirka Talyaaniga iyo Afrika.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia