𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝗧𝗮𝗹𝗮𝗮𝗱𝗼, 𝟬𝟳 𝗔𝗴𝗼𝗼𝘀𝘁𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟰:— Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada XFS Md. 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa ka qeybgalay Shir u dhaxeeyey Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Fedeeraalka iyo Bangiga Adduunka oo looga hadlay dardargalinta howlaha Mashruuca Iskuxirka Dhijitaalka ee Gobolka Bariga Afrika (EA-RDIP) oo lagu qabtay Habka fogaan Aragga, waxaana diiradda lagu saaray in laga fikiro sidii loo fududeenlahaa habka lagu xalin karo caqabadaha imaankara, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Mudane 𝗕𝗶𝗶𝘅𝗶 𝗜𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗖𝗶𝗴𝗲, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya 𝗞𝗿𝗶𝘀𝘁𝗶𝗻𝗮 𝗦𝘃𝗲𝗻𝘀𝘀𝗼𝗻, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Suleiman Sh. Cumar, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta Md. Cabdicasiis Duwane Isaaq Lataliyaasha iyo howlwadeeno kale.
Wasiirka Isgaarsiinta 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 oo Sharaxay yoolalka iyo Muhiimadda uu leeyahay Mashruucaan oo kaalin ka qaadan doonaan isdhexgalka xiriirka ganacsiga, hubinta isku gudubka xuduudaha iyo Iskuxirka Internetka…….”Maadaama Mashruucaan uu yahay mid heer Qaran iyo heer Gobol waxaa ka fikireenaa Dalalka kale ee la gaarsiinkaro Internet Xawaare sare leh, si kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka kor loogu qaado”…..ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane 𝗕𝗶𝗶𝘅𝗶 𝗜𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗖𝗶𝗴𝗲 oo ka hadlay Shirka ayaa sheegay in Wasaaradda Isgaarsiinta ay meel fiican marsiineyso Mashruucaan, marka loo eego Dalalka uu ka socdo.
Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya 𝗞𝗿𝗶𝘀𝘁𝗶𝗻𝗮 𝗦𝘃𝗲𝗻𝘀𝘀𝗼𝗻 ayaa Bogaadisay Mashruucaan, waxa ayna Wasaaradda Isgaarsiinta ku ammaantay sida ay ugu go’antahay fulinta howlaha Mashruuca.
𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰𝗮 𝗜𝘀𝗸𝘂𝘅𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗵𝗶𝗷𝗶𝘁𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 (𝗘𝗔-𝗥𝗗𝗜𝗣) waxa uu diiradda saarayaa Horumarinta isgaarsiinta casriga ah, Waxaana u xilsaaran fulintiisa Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiada, waxaana maalgeliyey Baanka adduunka, iyadoona si gaar ah u maamuli doono Unugga Fulinta Mashruuca (Project Implementation Unit) waxa uuna leeyahay xubno wakiillo ah oo ka shaqayn doono dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia