(Muqdisho – Maarso 8, 2023)…. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa Bogaadiyey hanaanka shaqo ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ku guuleysatay Shahaadada ISO 9001:2015, taasoo ka dhigeysa hay’addii ugu horreysay ee dowladda oo hesha shahaadada ISO.
Wasiirka ayaa sheegay in HIQ ay u xilsaarantahay nidaaminta Isgaarsiinta oo muhim u ah horumarinta maaliyadda dalka iyadoo kala kaashaneysa hay’adaha kale ee dowladdeed ee ay khuseyso.
Shahaahada ISO, waxaa lagu guuleytaa marka la maro hanaan qiimeyn ah oo ay ku jiraan horumarinta hab maamulka tayeysan, baaris iyo dib-eegis dukumentiyada habka maamulka iyo qiimeyn guud oo dhammeystiran.