Wasiirka Isgaarsiinta oo Daahfuray Bandhigga Teknoolojiyada maaliyadeed ee Soomaaliyeed.

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐˜€ , ๐Ÿญ๐Ÿณ ๐—ข๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ:โ€”Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ๐—ซ๐—ถ๐—น๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ, ayaa si rasmi ah maanta u Daahfuray Bandhigga Teknoolojiyada maaliyadeed ee Soomaaliyeed, oo ay soo qaban qaabisay Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud.
Bandhiggaan oo la qabanaayo Sanadkii saddaxaad, waxaa diiradda lagu saarayaa falanqeynta Teknolojiyada Maaliyeed ee Dalka, waxaa ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin ka socday Dowladda, Rugta Ganacsatada, Shirkadaha Isgaarsiinta, Bangiyada, Madaxda Jaamacadaha, Aqoonyahanka Cilmiga ICT-da iyo bahda daneysa Arimaha Teknolojiyada.
Wasiirka Isgaarsiinta ๐—ซ๐—ถ๐—น๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ oo ka hadlay Daahfurka Bandhigga ayaa Sheegay…… โ€œTeknololojiyada Maaliyadeed waxa ay kaalin weyn ka qaadaneysaa Kobaca Dhaqaalaha Dalka, waxaana naga goโ€™an diyaarinta shuruucdii lagu ilaalin lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinta xooggan galisay horumarinta Teknoolojiyada maaliyadeed ee Soomaaliya, iyo wixii ka dowlad ahaan lagu difaaci lahaa ganacsatada Dalka.โ€……ayuu yiri Wasiir ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ.
Inta uu socda Bandhigga Teknoolojiyada maaliyadeed ee Soomaaliyeed, waxaa lagu soo bandhigi doonaan dood cilmiyeedyo kala duwan oo la xiriira Teknolojiyada iyo Maaliyadda, waxaana sanadkaan xooga la saarayaa halka loo jiheesanaayo Isbedalka Teknoolojiyada Dalka.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—น๐—ถ “๐——๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ถ”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top