WASIIRKA ISGAARSIINTA OO KA QEYBGALAY MUNAASABADDA BANDHIGGA WAXQABADKA HEY’ADDA ISGAARAIINTA SANADKA 2023.

(Muqdisho, 31, December, 2023) …….Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS, Md. Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka, waxaana ku wehliyey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye, Wasiir-kuxigeenka Xildhibaan Xuseen Axmed Culusow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo Maareeyaha Guud ee Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka.
Ujeeddada munaasabadda ayaa ahayd in dib loo milicsado, isla markaana la soo bandhigo horumarradii ay gaartay Hey’adda Isgaaraiinta sanadka dhammaanaya ee 2023-da.
Munaasabaddaan ayaa lagu soo bandhigay Filim muuqaal ah oo ka hadlay waxqabadka sanadkaan sii dhamaanayo, waxaana abaalmarino kala duwan la siiyo Shaqaalaha ka soo shaqeeyey hawshaan baaxadda leh.
Maareeyaha Guud ee Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka Md. Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa soo bandhigay Guulaha ay gaareen, waxa uuna amaanay hoogaanka Wasaaradda oo ugu horreeyo Wasiirka oo lagu shaqeeyey talada iyo tusaalihiisa.
Ugu danbeyn munaasabaddaan waxaa Soo xiray Wasiirka Isgaaraiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Md. Jaamac Xasan Khaliif oo sheegay in guulaha ay Hey’adda gaarto ay ku timid iskaashi iyo wadashaqeyn waxa uuna boggaadiyey Maareeyaha iyo hawlwadeenadda Hey’adda oo qabtay shaqo ballaaran.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia

 

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top