Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda oo ka qeybgalaya shirka 25aad ee Wasiirada Isgaarsiinta

11 Nov

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda oo ka qeybgalaya shirka 25aad ee Wasiirada Isgaarsiinta

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane ENG Cabdi Sheekh Axmed Rooble oo safar shaqa ku jooga waddanka Bangaladesh ayaa ka qeyb galaya Shirweynnihii 25-aad ee Wasiirada Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada, WCIT2021 oo sanadkaan lagu qabtay magaalada Dhaka.  Halku-dhigga shirka ee sannadkaan ayaa ah “ICT-gu waa barbareeyaha ugu weyn”.

Shirkaan oo soo bilawday muddo 25 sanno ka hor ah, waxaa aalaaba isugu yimaada, siyaasad dejiyeyaasha dowladdaha, shirkadaha Isgaarsiinta, khubarada aaladda dhijitaalka, hal-abuurayaasha iyo dhammaan daneeyaasha Isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda.

Kulanka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku qotonta waxyaabihii lagu heshiiyay.