Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo wafdi uuhoggaaminayey ayaa ka qayb qaatay shirweynaha Boostada aduunka oo lagu qabtay
Berne-Switserland.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay bixiso qaaraankii xubinnimada intiilaga rabay, iyadoona la ogalaanayo in laga cafiyo inta hartay, waana mid ka mid ah
guulaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo ku dadaaleysa inay soo celisodhammaan xiriirka Wasaaradda la lahayd Ururrada caalamiga ah ee ay xubinta ka
tahay iyo wasaaradaha dhiggeeda ah.Wuxuu wasiirku kulan gaar ah la qaatay Masahiko Metoki Agaasimaha Guud ee
Midowga Boostada Adduunka (UPU) waxa uuna ka dhacay kulanka xarunta dhaxe ee
UPU-da.Kulanka waxaa looga hadlay sidii ay UPU-da kaalin ugu qaadan lahayd dib u soonoolaynta Boostada Soomaaliya, maadaama Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay
hirgelinta Boosto casri ah oo la Jaanqaadi karta isbadalka Teknolojiyada casriga ah.Agaasimaha Horumarinta ee UPU Mudane Mutua Muthusi waxa uu ballan qaaday in
qalabayn muhiim ah u sameenayaan Boostada Soomaaliya, adeeg boosto oo dhijitaalah iyo in wasaaradda lagala shaqeeyo lambarka boostada iyo habka ciwaannada
magaalooyink
Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo wafdi uuhoggaaminayey ayaa ka qayb qaatay shirweynaha Boostada aduunka oo lagu qabtay Berne-Switserland

Share
Facebook
Twitter
LinkedIn