Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU). (Switzerland – Oktoobar 27, 2022)

27 Oct

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU). (Switzerland – Oktoobar 27, 2022)

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU).
(Switzerland – Oktoobar 27, 2022) Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa kulan gaar ah la qaatay Masahiko Metoki Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) waxa ayna kawada hadleen sidii ay kaalin ugu qaadanlahaayeen dib-u-soonooleynta Boostada, maadaama Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay hirgalinta Boosto Casri ah oo la jaanqaadikarto isbadalka Teknolojiyada Casriga ah.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa Agaasimaha (UPU) kala hadlay in la bixiyey Qaaraankii xubinnimada intii laga rabay Dowladda Soomaaliya iyadoona la ogalaanayo in laga Cafiyo inta hartay.
Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) Mudane Masahiko Metoki ayaa ugu horeyn ugu Mahadceliyey Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada garab istaaga Doorashadii ITU iyo UPU.
Wasiirka Jaamac Xasan Khaliif ayaa Shir doceed la yeeshay Ergada ka socday Dowladda Turkiga uuna hoggaaminaayey Mudane Ridvan Madaxa Hay’adda isgaarsiinta ayaa waxay kawada hadleen xoojinta xirrirka iyo iskaashiga arrimaha isgaarsinta iyo boostada iyo in Dowladda Turkiga ay noqoto marinka Albaabka ay marto Boostada Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiir Jaamac ayaa kulan la qaatay Agaasimaha horumarinta ee UPU Mudane Mutua Muthusi waxa uuna u ballan qaaday in qalabayn muhiim ah u sameenayaan Boostada Soomaaliya, Adeeg Boosto oo Degitaal ah iyo in Wasaaradda lagala shaqeeyo koodka boostada iyo habka ciwaanada Magaalooyinka.
Ugu danbeyn Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa la kulmay Agaasimaha Ururka Boostada adduunka u qaabilsan Wadamada Carabta Mudane Hashim Al Haji wax ayna isla garteen in la xoojiyo wadashaqeynta Iyadoo la soo celinaayo Iskaashiga labada dhinac.