21
Sep

Wasiirka Isgaarsiinta & Tiknolojiyada mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Dalkena Soomaaliya Mudane Fei Shengchao.
Wasiirka Isgaarsiinta & Tiknolojiyada mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Dalkena Soomaaliya mudane Fei Shengchao. Wasiirka ayaa marka hore safiirka uga mahad celiyey booqashada uu wasaaradda ku yimid. Sidoo kale wuxuu wasiirku uga mahad celiyey xiriirka saaxiibtinnimo ee dowladda Shiinaha iyo shacabkeedu ay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed la lahaayeen muddada dheer. Wuxuu wasiirku la wadaagay safiirka sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan arrimaha isgaarsiinta iyo tiknolojiyada.