𝗟𝘂𝘀𝗮𝗸𝗮, 𝗭𝗮𝗺𝗯𝗶𝗮, 𝗝𝗶𝗺𝗰𝗮, 𝟬𝟰 𝗢𝗸𝘁𝗼𝗼𝗯𝗮𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟰:—Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS, 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) oo ka qeybgalaya Shirweynaha Dhijitaalka ee Dowladaha Afrika 2024 oo ka dhacay magaalada Lusaka ee wadanka Zambia, ayaa kulamo doceedyo la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada Dhigiisa ee ka socday Dalalka Afrika.
Ugu horeyn Wasiirka ayaa la kulmay Wasiirada Isgaarsiinta ee Dalka Sambia Iyo Burundi, waxa uuna kala hadlay xoojinta xiriirka iyo Suurtagalnimada in la gaaro hishiishyo is afgarad u dhaxeeya Dalalka Iyo sidii loo Kala faa’iideysankaro.
Sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay qaar ka mid ah Madaxda Shirkadaha ka shaqeeya Teknolojiyada oo danaynaya maalgashiga, waxa ayna soo dhaweeyey Hormarka ay Soomaaliya ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.
Wasiirka Isgaarsiinta 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirada uu la kulmay uu la wadaagay hrumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay dhanka Shuruucda iyo hormarinta Dhijitaalka oo dadaal badan lagu bixiyey.
Ugu danbeyn Wasiirka ayaa ka Mahadceliyay kulamada uu la qaatay Wasiirada Dhigiisa ee ka soo qeybgalay Shirweynaha Dhijitaalka ee Dowladaha Afrika oo sanadkaan xiiso gaar ah lahaa.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
𝗔𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝗵𝗺𝗮𝗻 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗹𝗶 “𝗗𝗶𝗶𝗻𝗶”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia




