WASIIRKA ISGAARSIINTA XILDHIBAAN MAXAMED SOOMAALI KORMEER UU KU TAGAY XARUNTA DIYAARINTA QORSHAHA ISBEDDELKA QARANKA.

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—”๐˜…๐—ฎ๐—ฑ, ๐Ÿฎ๐Ÿณ ๐—ข๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ: Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ๐—ซ๐—ถ๐—น๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ aya kormeer ku tagay xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka; booqdayna qeybaha kala duwan ee sheybaarada isaga oo ku dhiirigeliyay hawlwadeenada kala duwan shaqada muhiimka ah ay u hayaan qaranka.
Wasiir Moxamed Soomaali ayaa si gaar ah kulan ula yeeshay masโ€™uuliyiinta iyo hawlwadeennada kala duwan ee ka shaqaynaya Qorshaha Teknolojiyada iyo Isgaarsiinta , isagoo ka dhagaystay warbixinta shaqada ay hayaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 16-kii bishan October si rasmi ah u daah furay Qorista Qorshaha Isbadalka Qaranka, kaasi oo hadda diyaarintiisa ay ku hawlan yihiin masโ€™uuliyiin iyo hawlwadeenno kala duwan oo ka socda Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha kala duwan ee dowladda.
โ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top