Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed (Soomaali) oo booqday Xarunta Maamulka Xogta ee Dowladda Shiinaha.

𝗕𝗲𝗶𝗷𝗶𝗻𝗴 – 𝗖𝗵𝗶𝗻𝗮, 𝗞𝗵𝗮𝗺𝗶𝗶𝘀, 𝟬𝟭 𝗔𝗴𝗼𝗼𝘀𝘁𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟰:— Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) iyo wefdi uu hoggaaminaayo oo safar shaqo u joogo Magaalada Beijin ee Caasimada Wadanka Shiinaha ayaa booqday Xarunta Maamulka Xogta ee Dowladda Shiinaha, waxaana halkaan ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta Xarunta oo Wasiirka warbixin ka siiyey adeegyada ay bixiso iyo kaalinta ay ugu jirto Dowladda Shiinaha.
Xaruntaan oo ah tan ugu weyn Shiinaha ayaa waxa ay ka shaqeesaa Xogta Dawladda Shiinaha, la socota kaabayaasha dhaqaalaha ee dawladda, fulinta barnaamijka qaranka ee elektaroonigga ah, Adeegyada Dhijitaalka, iyo Isku xirka Shabakaddaha guud ahaan Wadankaas.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa sheegay in booqashadaan ay ka faa’iideesandoonaan si gaar ah adeegyada dawladda ee dhigitaalka, waxaana meel fiican Wasaaradda u maraayo Geedi socodka fulinta Dowladnimada Danabeeysan iyo Siyaasadda Dhijitaalka loo dhan yahay…….”Xaruntaan wax badan ayaa ka kororsanay, waxaa Sharaf ii ah in Adeegga Dhijitaalka ee danabeesan ay muhiim u tahay fududeenta shaqo maalmeedka loo qabto Bulshada”…… Ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.
Ugu danbeyn Wasiirka ayaa warbixin guud ka siiyey Mas’uuliyiinta Xaruntaan Halka ay Dowladda Soomaaliya ka mareyso Barnaamijyada Dhijitaalka iyo Adeegga e-government, waxa uuna ugu Mahadceliyay sida maqaamka leh ee loo soo dhaweeyey.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleestay in ay yeelato Sharciga Dhowrista Xogta Qaranka iyo dhismaheeda oo ay ka howlgalaan Shaqaalo u diyaarsan Ilaalinta Xogta Qaranka.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top