𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝗔𝘅𝗮𝗱, 𝟮𝟱 𝗔𝗴𝗼𝗼𝘀𝘁𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟰:— Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Md. 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa Magaalada Muqadisho ugu qeybgalay saxiixa heshiiska iskaashi ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee NIRA iyo Midowga Bangiyada Soomaaliya.
Ra”ii sul Wasaare ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay munaasabadda Saxiixa Heshiiskaan, waxaana ka soo qeybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Maareeyaha Guud ee Hey’adda NIRA, Madaxda Midowga Bangiyada, iyo Mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Isgaarsiinta 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 oo ka hadlay Munaasabadda Hishiishkaan ayaa sheegay in heshiiskan qayb muhiima ka qaadan doona dadaallada lagu horumarinayo dhaqangelinta nidaamka aqoonsiga Qaranka…”𝙒𝙖𝙭𝙖𝙖 𝙠𝙖 𝙘𝙖𝙖𝙬𝙞𝙣𝙙𝙤𝙤𝙣𝙖𝙖 𝙄𝙡𝙖𝙖𝙡𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙄𝙮𝙤 𝙠𝙚𝙮𝙙𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙓𝙤𝙜𝙩𝙖, 𝙢𝙖𝙖𝙙𝙖𝙖𝙢𝙖 𝙒𝙖𝙨𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙙𝙪 𝙠𝙪 𝙜𝙪𝙪𝙡𝙚𝙚𝙨𝙩𝙖𝙮 𝙢𝙚𝙚𝙡𝙢𝙖𝙧𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙎𝙝𝙖𝙧𝙘𝙞𝙜𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝘿𝙝𝙞𝙨𝙢𝙖𝙝𝙖 𝙃𝙚𝙮’𝙖𝙙𝙙𝙖 𝘿𝙝𝙤𝙬𝙧𝙞𝙨𝙩𝙖 𝙓𝙤𝙜𝙩𝙖, 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙖𝙣𝙖 𝙝𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙢𝙚𝙚𝙡 𝙜𝙚𝙗𝙤𝙜𝙚𝙗𝙤 𝙖𝙝 𝙢𝙖𝙧𝙖𝙮𝙖 𝙭𝙖𝙧𝙪𝙣𝙩𝙖 𝙡𝙖𝙜𝙪 𝙠𝙚𝙮𝙙𝙞𝙣𝙙𝙤𝙤𝙣𝙤 𝙓𝙤𝙜𝙩𝙖 𝙌𝙖𝙧𝙖𝙣𝙠𝙖 𝙤𝙤 𝙢𝙪𝙝𝙞𝙞𝙢 𝙪 𝙖𝙝 𝘿𝙞𝙞𝙬𝙖𝙖𝙣𝙜𝙖𝙡𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙙𝙖𝙙𝙬𝙚𝙮𝙣𝙖𝙝𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙜𝙪𝙪𝙙 𝙖𝙝𝙖𝙖𝙣 𝙓𝙤𝙜𝙩𝙖 𝙌𝙖𝙧𝙖𝙣𝙠𝙖”…..ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.
Iskaashigaan ayaa door lixaad leh ka qaadan doona dhaqangelinta nidaamka aqoonsiga qaranka si dadweynaha ay ugu fududaato helitaanka adeegyada asaasiga ah, wax badana ka tari doono nidaamka aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada Bangiyada dalka.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
𝗔𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝗵𝗺𝗮𝗻 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗹𝗶 “𝗗𝗶𝗶𝗻𝗶”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
See Translation