๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ง๐ฎ๐น๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ผ, ๐ฎ๐ฌ ๐๐ด๐ผ๐ผ๐๐๐ผ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฐ:โ Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Md. ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐น๐ถ (๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ) ayaa maanta ka qeybgalay Madasha Magan ee Falanqeynta Maalgashiga oo soo xiray
Raโiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฟ๐ฒ.
Madasha Magan ayaa ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi furan oo lagu wadaago fikradaha, laguna soo bandhigo qorshayaal maalgashi oo wax ku ool ah, si Soomaaliya ay u gaarto hadafkeeda ah in ay noqoto dal maalgashi u furan.
Wasiirka Isgaarsiinta ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ oo ka hadlay Madasha ayaa sheegay in ay muhiim tahay Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed in ay iska kaashadaan maalgashiga dalka, si loo gaaro horumar waara oo looga faaโiideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ๐ซ๐๐ธ๐๐๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ป-๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป waxa ay wadaa Qorshayaal kor loogu qaadayo kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, waxa ay fududeeneysaa in Gobolada Dalka iyo wadamada deriska la gaarsiiyo Internet Xawaare sare leh si loo fududeeyo Maalgashiga Dalka.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia